Dhageyso: Duqa Muqdisho ”Amniga Hoosteena ayaa laga Xaluushaa”

Ciidanka Amaanka Soomaliya ayaa  inta badan waxa lagu arkaa Magaalada Muqdisho isgoysyadeeda iyagoo taagan oo baaritaan ku haya gaadiidka Raaxada ee ku dhex socdaala Caasimada.

Iyadoo howlgaladaasi iyo baaritaanka habeen iyo maalin ciidanka Amnigu sameeyaan ayaa mararka qaar dilal iyo Qaraxyo ay Muqdisho ka dhacaan sida la og yahay.

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale oo khudbad ka jeediyey kulan Amniga looga hadlayey ayaa dhaliilay qaabka ciidanka ubaaraan baabuurta.

Waxa uu sheegay in Amniga oo dayacan ay keentay sahalka Ciidanka lagu gudbo islamarkaana sidii la rabay Amniga aan loo sugin sida uu Gudoomiye Madaale Hadalka udhigay.

HOOS KA DHAGEYSO CODKA.

::: Qeybta hoose nagula wadaag Fikirkaada! :::

Advertisements
Close

Ku biir Asxaabta Facebook