Dhageyso: M/weyne Gaas ”Itoobiya iyo Kenya waa Cadwoga Soomaliya”

Madaxweynaha Maamul Gobolleedka Puntland, Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay sida Dalalka Deriska ay caqabad uga yihiin Nabad ka islaaxda Soomaaliya.

Dr. Gaas waxa uu sheegay in Waddamada Saaxibada la ah Soomaaliya ee Deriska ay ka faa’iideysanayaan dhibka iyo dawlad la’aanta jirta.

Madaxweynaha Puntland waxa uu hoosta ka xariiqay in Dawladnimo Adag oo loo dhan yahay ay ku xiran tahay Soomaalida oo isku tashataa islamarkaana usoo jeesato inay noqoto Waddan isku xiran oo Nabad doonaya.

Sidoo kale, Cabdiweli Gaas ayaa mar la weydiiyey inuu murashax yahay Sanadkaan waxa uu sheegay inuusan ka qeyb geli doonin doorasada Soomaaliya maadama uu yahay Hogaamiyaha Puntland.

HOOS KA DHAGEYSO WAREYSIGA OO BUUXA.

::: Qeybta hoose nagula wadaag Fikirkaada! :::

Advertisements
Close

Ku biir Asxaabta Facebook