Dhageyso: Maxaadan Ogeyn oo Baydhabo maanta ka socda, iyadoo..

Waxaa maanta Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay laga dareemayaa isbadel maadaama halkaasi ay iskugu tageen Mas’uuliyiin kala duwan.

Suxufiyiinta ku sugan magaalada Baydhabo ayaa mareegta Allsomali24.com u sheegay, in Wasiiro ka socda Maamul gobolleedyada ka Jira Dalka ay buux dhaafiyeen magaaladaasi oo ciidan badana wata.

Sida qorshah uu yahay Xarunta KMG Maamulka K/Galbeed Ee Soomaaliya waxa ka furmaya Shir ay yeelanayaan Wasiirada Arimaha Gudaha Maamul Gobolleedyada Dalka Ka Jira iyo Dawlada Dhexe Ee Soomaaliya.

Wasiirka Arimaha Gudaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya C/raxmaan Aadan Sate oo  saxaafada lahadlay waxa uu sheegay in shirkaan uu yahay mid lagu soo gaba gabeenayo Mashruuca Wadajir Frame Work ee dhowr magaalo ka qabsoomay hore.

Wasiir Sate ayaa tibaaxay in ay ku rajo weyn wax miro dhal ah inay kasoo baxaan shirka maanta ka furmaya Magaalada Baydhabo ee socon doona muddo 4 Cisho ah sida la qorsheeyey.

HOOS KA DHAGEYSO CODKA.

::: Qeybta hoose nagula wadaag Fikirkaada! :::

Advertisements
Close

Ku biir Asxaabta Facebook