Dhageyso: Xaalada Cayaatoyda Soomaalida ee Olombikada

Iyadoo Soomaaliya ay ku jirtay colaad sokeeye iyo burbur ayaa hadana dhinaca kale waxaa ay mar walba u direysay tartamada gobolka iyo cayaaraha Olombikada caalamiga ah koox hadba matasha Somalia.

Shaqada ugu weyn ee ay qabtaan ayaa waxa ay aheyd inay tartamadaa ka muujiyaan calanka iyo jiriraanka magaca Somalia.

Laakiin, caqabadaha horyaalay cayaartooyda Soomaaliya mataleysa, laga soo bilaabo tababarka, niyadda iyo daryeelka waxey ahaayeen kuwo muuqda.

Cayaartowda Soomaalida ee Olombikada RIO

Waa taas sababta ay Saamiya Cumar oo ka mid ahayd Orodyahanadii matalayay Somalia cayaarihii olombikada ee lagu qabtay Beijing ay nafteeda ugu biimeysay Tahriib ay ku dhimatay sanadkii 2012-kii.

Waxaa kaloo Muqdisho ku dayacan oo xanuunka dhimirka uu ku dhacay, cayaarahankii Saamiya ku wehliyay Beijing Cabdinaasir Saciid Ibrahim.

Hadaba warbixin dheer oo uu wariyaha laanta Af Soomaaliga ee VOA-da Jamaal Axmed Cismaan,uu ka diyaariyay halka hoose ka dhageyso.

::: Qeybta hoose nagula wadaag Fikirkaada! :::

Advertisements
Close

Ku biir Asxaabta Facebook