Immisa qof baa QAAD la’aan u dhimatay?

Labadii ama seddexdii beri ee dhibaatada QAAD la’aantu ay ku habsatay qaybo badan oo qaranka soomaaliyeed ka mid ah lama hayo dad u qur go’ay QAAD la’aan ama la ildaran, isbitaalada lama keenin dad u jirraday, qaxooti QAAD la’aan darteed buushash dhistay ama qaxayna lama soo sheegin

Dadka wax faalleeya waxayba sheegeen in joojinta laga dhabeeyo oo la joogteeyo inay guul weyn u tahay soomaali oo dhan,  ayna ka helayaan faa’iidooyin dhaqaale, caafimaad, dhaqan, diimeed, nabadgalyo iyo bulsho.

Qofka dhagaysta , akhriya ama daawada qalabka warbaahinta wuxuu ogaanayaa sida wacyiga bulshadu sare ugu kacay oo ay u garanayaan waxa anfacaya iyo waxa dhibaya. Dabcan way jiraan dad aan badnayn oo QAADka u doodaya ujeeddaday doonaan haka lahaadeene oo laga yaabo in qaarkood dib isu waansadaan.

Ma muuqato inay maamuladu si kama dambays ah QAAD-ka u joojin karaan ama ay ugu dhiirran karaan laakiin in shacabku is xilqaamo oo isku mar yiraahdo cuni mayno, gadan mayno, kana ganacsan mayno maxaa inoo diidaya?.

Markii hal majin ah laga iibsan waayo ma khasab baa la inoo ku qulaaminayaa?, mase idin la tahay markii maanta la iibsan waayo oo berri lugu daro in maalin walba diyaarado lugu keenayo?. Ogow ninka beerta leh iyo shaqaalihiisa laga soo bilaabo ilaa kan diyasrada ilaa dawlada canshuuraysa waxa ay qaybsanayaan waa biilkii carruurtaada la’aantiisna diyaatadi ma qaadayso, beertana lsga shaqayn maayo.

Gabagabadii arrintu waxay ku soo uruuraysaa waxa la isku haystaa waa biilka reerkaaga ama xoogaagii aad u soo dhidaday ee adigu biilka reerkaaga ma xagsan kartaa oo balaayada faylka ugu soo jirta ilaa baadiyaha gobolka MERO oo QAADka laga beero ma ku oran kartaa diiday oo cuni maayo?, mise waxaad tahay SAC irmaan oo ninkii doonaa iska maalo isaga iyo ilmihiisoo baahan ?.

Qore: Sh. Axmed Cabdisamad

::: Qeybta hoose nagula wadaag Fikirkaada! :::

Advertisements
Close

Ku biir Asxaabta Facebook