Baarlamaanka Galmudug oo xilkii ka qaaday Madaxweyne C/kariin Guuleed

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa codka kalsoonida kala laabtay madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Xildhibaanada Galmudug ayaa maalin ka hor mooshin ka keenay madaxweynaha Galmudug oo ay dhaliilo badan u jeediyeen.

Inka badan 53 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Galmudug ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Cadaado waxay ku sheegeen inay codka kalsoonida kala laabteen madaxweynaha Galmudug Mr Guuleed.

Cabdikariin Xuseen Guuleed, ayaa maalintii shalay ka codsaday xildhibaanada Galmudug inay ka laabtaan mooshinkii ay kasoo gudbiyeen, balse xildhibaanada ayaan dhaq jalaq u siinin hadalkaasi.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed.


::: Qeybta hoose nagula wadaag Fikirkaada! :::

Advertisements
Close

Ku biir Asxaabta Facebook