Axmed Xuseen oo loo Magacaabay Wasiirka Socdaalka iyo A. Qaxootiga Canada

Ra’iisal Wasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa isku shaandheyn uu ku sameeyay golihiisa Wasiirada waxa uu u magacaabay Wasiirka Socdaalka Axmed Xuseen oo ah muwaadin ka soo jeeda dalka Soomaaliya kana mid ah mudanayaasha Baarlamaanka dalka Canada.

Axmed Xuseen ayaa sanadkii 1996dii galay dalka Canada isagoo qaxooti ah, kana soo qaxay magaalada Muqdisho caasimada dalka Soomaaliya, waxana uu noqonayaa Axmed Xuseen qofkii ugu horeeyay ee Soomaali ah oo ka noqday wadamada dunida ugu horumarsan wasiir.

Magacaabista Axmed Xuseen ayaa waxaa si weyn loogaga soo dhoweeeyay dalka Canada oo ay ku nool yihiin qaxooti badan oo Soomaali ah.

Ra’iisal wasaaraha Canada ayaa sidoo kale waxa bedelay qaar ka mid ah golihiisa Wasiirada.


::: Qeybta hoose nagula wadaag Fikirkaada! :::

Advertisements
Close

Ku biir Asxaabta Facebook