Jawaari oo ku guuleystey doorashada hogaanka Baarlamaanka Somalia

Prof. Maxamed Shiikh CIsmaan Jawaari ayaa ku guuleystey tartanka doorashada guddoomiyaha baarlamaanka, kadib markii uu helay codad ka badan 139 cod.

Doorashadan oo maanta ka dhacday Muqdisho ayaa waxaa ku tartamayay 4 mudane oo kala ahaa, Cabdirashid Maxamed Xidig, Cabdifitax Maxamed Geesey, Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari iyo Idiris Cabdi Dhakhtar, ayaa waxaa ugu cad cadaa 3 mudane oo kala ahaa, Cabdirashid Maxamed Xidig, Cabdifitax Maxamed Geesey iyo Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari.

Hoolka Baarlamaanka ayaa laga dareemayay saxmad aad u badan iyo olole xoogan oo mudanayaasha ka dhaxeeyay, waxaana muuqatay in loolan adag uu dhex maray 3 musharax ee ugu cad cadaa.

Prof. Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari oo horey usoo ahaa Guddoomiyaha Baaralamaankii 9aad ee dalka, ayaa hada mar kale xaqiijiyay in uu noqdo Guddoomiyaha Baarlamaanka 10aad ee dalka.

Damaashaad iyo dabaal-degyo ayaa ka socda Magaalada Muqdisho, kaasi oo ay sameenayaan taageerayaasha Prof. Jawaari.


::: Qeybta hoose nagula wadaag Fikirkaada! :::

Advertisements
Close

Ku biir Asxaabta Facebook