Dagaal ka dhacay deegaanka Qalimow ee Gobolka Shabeelaha Dhexe

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab uu xalay saqdii dhexe ka dhacay deegaanka Qalimow oo qiyaastii 30Km u jirta Magaalada Jowhar.

Dagaalkan ayaa ka dambeeyay markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen saldhig ciidamada dowladda ku lahaayeen deegaankaas.

Illaa saddex ruux oo dhinacyadii dagaalamayay ayaa ku dhintay dagaalka, halka afar kalena ku dhaawacmeen oo ahaa dad rayid ah.

Dagaalyahanadii soo weeraray deegaanka ayaa la sheegay inay dib u laabteen, mana jirto wax war ah oo ka soo baxay ciidanka dowladda.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dagaalka la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, ayna cabsi weyn la soo deristay, balse xaalada ay iminika tahay mid degan.

Qalimow ayaa ah deegaan qadiimi ah, waxaa ay u dhaxeysa degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.


::: Qeybta hoose nagula wadaag Fikirkaada! :::

Advertisements
Close

Ku biir Asxaabta Facebook