Ergayga Midowga Afrika oo sheegay in Soomaaliya waa cusub u baryay

Ergayga gaarka ah ee midowga Afrika u qaabilsan Soomaalia FRANCISCO CAETANO JOSÉ MADEIRA ayaa sheegay in waa cusub oo farxadeed u baryay dalka Soomaaliya kadib doorashadii dhawaan la doortay Madaxweynaha sida weyn shacabku u taageersan yahay, Mudane Maxamed C/Laahi Farmaajo.

“Soomaaliya iminka waxay leedahay madaxweyne si dimoqraadi ah ay u doorteen xubnaha labada aqal ee baarlamaanka qaran”. Sidaa ayuu ku yiri bayaan kasoo baxay xafiiskiisa.

“Waxaan u hambalyaynayaa madaxweynaha la doortay Mudane Maxamed C/Laahi Farmaajo. Waxaan u rajeynayaa guul haatan oo uu isku dayayo inuu dalka u horseedo mustaqbal ifaya”.

Wuxuu sheegay inkastoo ay caqabado jiraan in haatan dalku leeyahay baarlamaan ka kooban labo aqal.

Wuxuu sheegay in doorashadii 8dii bishaan dhacday ay gun dhig u tahay in doorasho qof iyo cod ah ay dalka ka dhacdo sanadka 2020.

Wuxuu FRANCISCO CAETANO JOSÉ MADEIRA uga mahad naqay hoggaamiyeyaasha Soomaaliya inay dadaal muujiyeen.

MADEIRA ayaa sidoo kale sheegay in ay jirto fursad hoggaamiyeyaasha Soomaaliya ay ku sii wada shaqeyn karaan si loo gaaro dib u heshiisiin baahsan iyo midnimo qaran.


::: Qeybta hoose nagula wadaag Fikirkaada! :::

Advertisements
Close

Ku biir Asxaabta Facebook