Nabadoon lagu dilay degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho

Kooxo ku hubeysan bastoolado ayaa habeenkii xalay ku toogtay gudaha degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho nabadoon lagu magacabi jiray Muuse Maxamuud Rooble.

Nabadoonka oo da’diisa lagu sheegay 70 sano ayaa waxaa uu dilkiisa ka dhacay agagaarka suuqa weyn ee degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Kooxda dilka geysatsy ayaa markiiba goobta ka baxsaday, iyadoona aan la ogeyn sababaha ay u dileen Marxuumka.

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay in ay goobta gaareen iyaga oo halkaa ka bilaabay baaritaano la xiriira cida ka danbeysay dilka nabadoonka oo siweyn looga garanayay degmada.

Ma jirto cid loosoo qabtay dilka Nabadoonka iyo cid sheegatay intaba, mana jirto war ay dilkaan kasoo saareen laamaha amaanka.


::: Qeybta hoose nagula wadaag Fikirkaada! :::

Advertisements
Close

Ku biir Asxaabta Facebook