Madaafiic ku dhacday agagaarka madaxtooyada Soomaaliya

Iyadoo saacado ka hor uu la wareegay xafiiska madaxtooyada Soomaaliya madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa waxaa ku dhacay nawaaxiga Villa Soomaaliya tiro madaafiic ah oo loo adeegsaday qoriga hoobiyaha.

Dhawaqa madaafiicdan ayaa laga maqlayay xaafado ku dhow madaxtooyada, waxaana dadka ku nool degmada Wardhiigley ay soo sheegayaan inay maqleen illaa afar madfac oo soo dhacay.

Wararka durba soo baxaya ayaa sheegaya in mid ka mid ah madaafiicda ay ku dhinteen labo caruur ah, sidoo kalana ay ku dhaawacmeen tiro kale oo dad rayid ah.

Ma jirto faah faahino kale oo laga hayo madaafiicdaan ku dhacday nawaaxiga xarunta Madaxtooyada.

Madaafiicdan ayaa ku soo beegantay xili maanta uun uu xafiiska la wareegay madaxweyne Farmaajo oo howlaha ugu horeeya ee laga sugayo ka mid tahay sugida amniga.


::: Qeybta hoose nagula wadaag Fikirkaada! :::

Advertisements
Close

Ku biir Asxaabta Facebook