Dr. Cali Saciid Faqi oo loo Magacaabay Agaasimaha Madaxtooyada Somalia

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa Magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Soomaaliya iyo Madaxa Habmaamuuska Madaxweynaha.

Dr. Cali Saciid Faqi, Danjiraha Dowlada Federalka Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub iyo Wadamada Benelux, ayaa loo Magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Soomaaliya (Chief of Staff).

Cali Faqi ayaa waxii maanta ka danbeeya noqon doona Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya.

Sidoo kale Siyaad Maxamuud Shire ayaa loo magacaabay Agaasimaha Habmaamuuska Madaxtooyada ama Madaxa Protocol-ka Madaxweynaha.

Siyaad oo in muddo ah u soo shaqeeyay dowladdu wuxuu saaka ka hor ahaa Qunsulka Guud ee Jiddah, ka horna Qunsulka Nairobi, 2012 wuxuu muddo kooban ahaa Xildhibaan, ka horna wuxuu la shaqeeyay Ra’iisal Wasaarahii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi.

Waa xilalkii ugu horeeyay oo uu Magacaabo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo maanta la wareegay xafiiska Madaxtooyada.


::: Qeybta hoose nagula wadaag Fikirkaada! :::

Advertisements
Close

Ku biir Asxaabta Facebook