Ciidamo ka socda dalka Burundi oo soo gaaray Soomaaliya

Ciidamo ka socda wadanka Burundi oo qeyb ka noqonaya Howlgalka Midowga Afrika ee ka wadaan dalka Soomaaliya AMISOM ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Soomaaliya.

Ciidamadaan soo gaaray Soomaaliya ayaa tiradoodu lagu sheegay 952, Waxayna baddalayaan tiro intaa dhan oo hawlgal hal sano ah u joogay Soomaaliya.

Ciidamadan ayaa la sheegay in ay soo dhameysteen tababark la xiriira nabad ilaalinta, waxa ayna qeyb ka noqonayaan ciidamada ka qeyb qaadanaya Howlgalka Nabad ilaalinta Soomaaliya.

Burundi ayaa ka mid ah dalalka ciidamada AMISOM ay ka joogaan Soomaaliya, waxa ayna imaatinka ciidamadan kusoo beegmayaan xilli dhawaan Madaxweynaha dalkaasi uu sheegay in uu ciidamadiisa kala soo baxayo Soomaaliya.


::: Qeybta hoose nagula wadaag Fikirkaada! :::

Advertisements
Close

Ku biir Asxaabta Facebook